Wasiirka amniga Kenya oo amray in la tarxiilo ajaaniib si sharci darro ah ganacsi uga waday Nairobi

0
526

Wasiirka amniga Kenya oo amray in la tarxiilo ajaaniib si sharci darro ah ganacsi uga waday Nairobi

Wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga Kenya Fred Fred Matiang’i ayaa amray in la tarxiilo afar muwaadin oo u dhalatay shiinaha kuwaasi oo si aan sharci aheyn ugu ganacsanayay suuqa weyn ee Gikomba oo u dhow xaafada islii ee magaalada Nairobi.

Dr Matiang’i, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nakuru oo lagu daahfuray xarun loogu tala galay bixinta baasaboorada ayaa tilmaamay in dadkaan si aan sharci aheyn ay ku joogeen dalka Kenya.

Dhanka kale wuxuu sheegay in dhamaan ganacsatada yar yar ee ajnabiga ah ee aan u dhalan Kenya ay la tarxiilo doono,wuxuuna ku amray in laamaha amniga ay tarxiilaan ajaaniibta sharci darada uga ganacsanaya Kenya.

Si kastaba ha ahaatee afarta nin ee shiineeska ah ee lagu qabtay suuqa Gikomba ee magaalada Nairobi ayaa laga tarxiili doonaa garoonka diyaaradaha Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here