Madaxweynihii Hore Pakistan Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
683

Madaxweynihii Hore Pakistan Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Asif Cali Zardaari ayaa la sheegay in maanta Xabsiga la dhigay, kadib, markii lagu soo oogay Eedeymo musuqmaasaq ah.

Afhayeenka Guddiga Isla-xisaabtanka Qaranka ee dalkaasi, Nawazish Cali ayaa u xaqiijiyey Wakaalladda wararka REUTERS in la xiray Madaxweynihii hore, kuna socdaan baaritaano la xiriira Lacag-xisaabeed Bangi oo been abuur ah iyo Lacago la xawilay.

Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Asif Cali Zardaari waxa uu beniyey inuu galay wax Dembi ah, iyadoo Afhayeen u hadlay Xisbiga Mucaaradka ee Pakistan People’s Party ee PPP  ayaa sheegay in Kiisaskaasi la siyaasadeeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here