Cilmibaadhis: Haddaad dhafarto habeenkii xal ayaa laguu hayaa

0
1657

Cilmibaadhis: Haddaad dhafarto habeenkii xal ayaa laguu hayaa

Waa inaad wax ka baddasho sida aad habeenkii u seexato, taasina waxay hagaajin kartaa qaabka uu jirkaaga u shaqeeyo, iyo caafimaadkaaga, sida ay sheegeen seynisyahannada UK iyo Australia.

Waxay diiradda saarayaan “dadka dhafra” ee jirkooda uu la qabsaday in ilaa xilli dambe ay soo jeedaan.

Farsamooyiinka la adeegsaday waxaa ka mid ah in xilli isku mid ah la seexdo habeen kasta, in laga fogaado cabitaannada hurdo la’aanta keena iyo in subixii la is qoraxeeyo.

Baarayaashu waxay sheegayaan in qaabka ay wax u baarayaan uu u muuqan karo mid iska caadi ah, laakiin isbedel aad muhiim u ah uu ku yeelan karo nolosha dadka.

Qof kasta wuxuu jirkiisa leeyahay qaab uu u shaqeeyo oo la socda qorax soobaxa ama qorax dhaca. waana sababta aan habeenkii u hurudno.

Balse dadka qaar jirkooda soo jeedka ayuu jacel yahay marka loo eego dadka kale.

Damaashaadka subixii waa in la tooso xilli hore, daalna la dareemo haddii illaa xilli dambe oo habeenkii ah la soo jeedo.

Dadka dhafra way ka duwan yihiin sidaa, waxay jecel yihiin in ay sariirta iskaga jiifaan ayna soo jeedaan iyagoo firfircoon illaa xilli dambe.

Dhibaatada dadka dhafra haysato waxay tahay in aysan la qabsan karin xeerka caalamiga ah ee ‘sagaal-illaa-shan, ee alaarmiga subixii lagu tooso saacada ka hor inta uusan jirkaaga diyaar u noqon inaad sariirta ka kacdo.

In habeenkii la dhafro waxaa lala xiriiriyay caafimaad daro.

Presentational grey line
.
Image captionMa xilli fiican baad seexataa mise waad dhafartaa?
Presentational grey line

Seynisyahannada waxay cilmi baaris ku sameeyeen 21 qof oo habeenkii oo dhan aan seexan, kuwaas oo qiyaastii 2:30 daqiiqo ee habeennimo saqda dhexe ka dib seexda, hurdadana ka toosa 10:00 barqanimo.

Talooyiinkooda waxaa ka mid ahaa:

  • Waxaad toostaa 2 illaa 3 saacadood ka hor xilligii aad kici jirtay, bannaanka u bax, qoraxdana isu dhig subixii.
  • Sida ugu dhaqsaha badan u quraaco
  • Subixii oo keli ah samee jimicsiga
  • Maalin kasta isku xilli cun qadada, waxna ha cunin wixii ka dambeeya 19:00 fiidnimo
  • Kafee iyo wax la mid ah ha cabin wixii ka dambeeya 15:00 galabnimo
  • Ha seexan mar haddii la gaaro 16:00 galabnimo
  • Waxaad seexataa 2 illaa 3 saacadood ka hor xilligii aad seexan jirtay, iftiinka nalalkana iska yaree.
  • Mar kastaa xilli isku mid ah seexo, xilli isku mid ahna soo toos

Seddax isbuuc ka dib, dadkii tijaabada lagu sameeyay isbedel wayn ayaa ka muuqday sida uu jirkooda u shaqeeyo, sida lagu xusay warbixintan wada jirka ay usoo saareen jaamacadaha Birmingham, Surrey iyo Monash.

Natiijada joornaalka dawada hurdad waxaa ka muuqatay in dadkaas ay barteen in isku xilli ay indhaha isku qabtaan, ayna hurdaan.

Laakiin, waxaa la arkay in hurdo la’aantooda ay yaraatay, walwalka iyo walbahaarkana ay ka yaraadeen. Sidoo kale natiijadu waxay muujisay in sida ay u falcelinayaan ay wanaagsanaatay.

“jadwalka dabeecad yar oo fudud waxay dadka dhafra ka caawin kartaa in qaabka jirkooda uu u shaqeeyo ay bedelaan, ayna wanaajiyaan guud ahaan caafimaadkooda jirka iyo maskaxda,” Sida uu sheegay Prof Debra Skene, oo ka tirsan jaamacadda Surrey.

“Hurdo la’aan xun iyo soo jeedka jirka waxay dhibaato u geysan karaan hannaaanka jirka, waxayna sababi karaan cudurrada wadnaha, kansar iyo xanuunka macaanka (ama sokorowga).”

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionHabka ay u shaqeeyaan jirka iyo maskaxda

Mid ka mid ah astaamaha ugu waawayn ee jirka uu adeegsado, ee isku dubarididda quruxda, waa iftiin. Balse waxaa lagu talinayaa in jirka iftiin badan loo bandhigo maalintii, habeenkiina aad looga yareeyo.

In aad si aan dheelitirneyn u seexato, iyo inaad toosto xilliyo kala duwan waxay sababi karaan in caafimaadka gudaha jirka iyo sida uu u shaqeeyo ay halis gasho.

Farsamooyiinka la adeegsaday waxay la mid yihiin waxyaabaha iska caadiga ah ee hurdada la xiriira, balse midkasta waxaa loo isticmaalay hagaajinta hab dhaqanka jirka.

Waxa aysan cilmi-baarayaashu garaneyn waa xiriirka ka dhexeeya dhafarta badan in ay ka dhalato isbedelka dabeecadaha.

“Waxa aan kala cadeyn waa marka aadan habeenkii oo dhan seexan karin, waxkastoo arrintaas ku saabsan ma sameyn kartaa?” ayuu yiri Dr Andrew Bagshaw, oo ka tirsan jaamacadda Birmingham.

“Waa arrimo fudud oo qof kasta uu sameyn karo oo wax ku ool noqon kara, waana arrinta aan la yaabay.”

“In awood aad u yeelato, dad badan aad xulato, kana caawiso in ay wanaag dareemaan, adigoo dan kale aan ka lahayn, waa arrin aad u fiican.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here