Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ay banneeyeen Ciidamada Puntland

0
490

Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ay banneeyeen Ciidamada Puntland

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo aad u hubeysan ayaa la wareegay deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari, halkaas oo aheyd meel si aad ah looga ilaaliyo magaalada Boosaaso.

Sida wararku sheegayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo isaga soo baxay buuraha Galgala ayaa difaacyo adag ka dhistay gudaha xerooyinkii ay baneeyeen Ciidamada maamulka Puntland, waxeyna sidoo kale wataan gaadiidka dagaalka.

Qof ka mid ah dadka ku sugan deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay afka aadiyeen dhinaca magaalada Boosaaso, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa in Ciidanka ay soo baneeyaan dhufeysyadoodii, inkastoo ay muddooyinkan taagneyd cabasho dhinaca mushaaraadka ah.

Saraakiisha Ciidamada ee maamulka Puntland iyo mas’uuliyiinta gobolka Bari wali ma aysan ka hadal xooggaga hubeysan ee la wareegay deegaanka, waxaana durba barakac bilaabay dadkii Shacabka ahaa oo ka cabsi qaba inuu dagaal ka dhaco deegaanka oo ay soo qaadaan Ciidanka maamulka Puntland.

Al-Shabaab ayaa inta badan hore ka qabsada Saldhigyada iyo deegaanada ay baneeyaan Ciidamada, maadaama markoodii horeba aysan ku sugneyn meelo ka fog oo ay joogaan banaanka xerooyinka la soo faarujiyo, iyadoo deegaanka ay haatan qabsadeen ay dagaal askar badan ku dileen kula wareegeen 20-kii Jully sanadkii 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here