Mareykanka oo sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Iiraan

0
590

Mareykanka oo sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Iiraan

Xukuumada Washington ayaa sheegtay in ay rajeyneyso la hadalka Iiraan iyada oo aan lagu xiri doonin waxba sida uu sheegay xoghayaha arimaha dibeda Mareykanka Mike Pompeo.

Pompeo ayaa tilmaamay in dalkiisa uu dhanka kale ka shaqeyn doono ka hortagida waxa uu ugu yeeray halista Iiraan.

Waxaan diyaar u nahay wadahadal kasta oo la yeelano Iiraan waana la Fadhiisan doonaa iyaga ayuu yiri kadib shir Jaraa,id oo si wadajir ah ula qabtay dhiggiisa arimaha dibeda ee dalka Switzerland  Ignazio Cassis.

Wuxuu intaa ku daray in dadaalka Mareykanka ee ka dhanka ah halista amni ee Iiraan ay socon Doonto.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordheyso xiisada Colaadeed ee u dhaxeysa Washington iyo Tehraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here