Ciidamada Booliska Oo Gacanta kusoo dhigay 8 Ka Mid Ah Budhcada Loo Haysto Dilkii Saraakiisha

0
667

Ciidamada Booliska Oo Gacanta kusoo dhigay 8 Ka Mid Ah Budhcada Loo Haysto Dilkii Saraakiisha

Hargeysa (Dalmar-News):- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mid ah budhcada loo haysto inay dileen taliyihii xabsiga degmada Gar-adag Gaashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, iyo taliye xigeenkii ciidanka Booliska Gar-adag Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux oo Alle haw naxariisti toddobaadkii hore ay jidgooyo ku dileen.

Ma jiro wax war ah oo ay ciidamada Boolisku ka soo saareen hawlgal ay maalmihii u dambeeyay ku baadi-goobayeen kooxdaas oo ay ka wadeen  buurta caanka ah ee Buurdhaab ee gobalka Saraar, laakiin warar xogogaala ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay inay hawlgalkaas ku qabteen 8 eedaysane oo ka mid ahaa shuftadaas iyo qoryahoodii, waxaanay ku daba jiraan hadhaaga kooxdaas oo la sheegay inay ku dhuumaalaysanayaan buurtaas  loo yaqaano Buur-dhaab.

Waxa kale oo ay Boolisku qabteen 4 ka mid ah baabuurtii ay kooxdaasi wadatay, waxaana weli aanay gacanta ku dhigin gaadhi iska rogo ah oo la sheegay in kooxdani wadatay.

Warku wuxuu sheegay la filayo in ciidanka hawlgalka ku jiraa la filayo inay maanta soo gunaanadaan hawlgalkaas oo ay soo qabtaan inta ka hadhay kooxda ee weli fakadka ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here