Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeed gaar ah oo looga hadlayo Arrimaha Sudan

0
901

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeed gaar ah oo looga hadlayo Arrimaha Sudan

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasoo uu maanta uga qeyb galayo shir madaxeed gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Sudan.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa waxaa uu shirka ku casuumay dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD, Chad, Rwanda iyo Koofur Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shir madaxeed kooban uu Madaxweynuhu ka qeyb galayo, waxaa uu xusay in shirkaan isugu imaanayaan dalalka deriska la ah dalka Sudan.

“Masar ayaa shirka marti gelineysa, sida ogtahay Masar waa dal deris la ah Sudan, Madaxweynaheeda waa Guddoomiyaha Midowga Afrika, shirka waxaa looga hadlayaa xaalada Sudan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda IGAD.

11-kii bishan ayaa dalka Sudan waxaa ka dhacay afgambi milateri oo xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo dalkaas xukumayay muddo 30 sano ah, waxaana dibad baxyo bilihii la soo dhaafay oo ka dhacay dalkaas uu soo afjaray xukunkii dheeraa ee Madaxweyne Al-Bashiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here