DAAWO : Goos gooska filimka weyn Bharat oo lasoo bandhigay Salman Ciidul Fitrigan Hindiya wuu qabsan doonaa

0
970

DAAWO : Goos gooska filimka weyn Bharat oo lasoo bandhigay Salman Ciidul Fitrigan Hindiya wuu qabsan doonaa

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska filimka weyn Bharat ayadoo la filaayay in 24-ka bishan lasoo bandhigo ayaaba laga soo hormariyay inaba caadi ma ahan sida loo agaasimay goos gooskan 3-daqiiqo iyo 11-ilbiriqsi soconaayo.

Director Ali Abbas Zafar ayaa diirada saaray fariintiisa Bharat inuu ku xeen daabo safar soo bilaabanayo markii Hindiya Pakistan kala go’aan ilaa xiligan casriga waxayna ku xeen daaban tahay safarka wiil aabihiis kala lulmeen 40-maadkii dibna u midoobayaan taariikhdan casriga ah marxaladaha Hindiya dal ahaan soo martay ayuu Salman isagana nolol ahaan marxalado kala duwan usoo maraa.

Bharat goos gooskiisa waxaa lagu tilmaamay mucjiso aan caadi ahayn hubaal ahaana daawadayaasha Hindiya qabligooda qabsan doonto marka mashruucan weyn masraxa la saaro 5 June 2019 todobaadka Ciidul Fitriga madaama filimkan wax walbo oo dadka soo jidan karo lagu soo bandhigay.

Bharat socdaalkiisa maanta ayuu bilaawday balse waa hubaal in hadal heyntiisa mudo dheer taagnaan doonto waa oraahda ugu caansan ee baraha bulshada ku adeegsanayaan kuwa filimada ka faaloodaan.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka weyn Bharat oo ay sidoo kale Katrina Kaif, Sunil Grover, Jackie Shroff, Tabu, Noora Fateh iyo kuwo kale doorar muhiim ah ku leeyhiin:

 

Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here