Maxay tahay sababta ay hoggaamiyeyaal u noqdaan rag badan oon hawlkar ahayn?

0
1096

Maxay tahay sababta ay hoggaamiyeyaal u noqdaan rag badan oon hawlkar ahayn?

“Marka ay timaaddo hoggaaminta, dan kama lihin hawlkarnimadii looga baahnaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa ganacsigaba”, sida uu qabo Dr Tomas Chamorro-Premuzic oo bartay cilmi nafsiga isla markaasna qoray buugga Maxay tahay sababta ay hoggaamiyeyaal u noqdaan rag badan oon hawlkar ahayn?

Buugiisa marka la fiiriyana wuxuu ku doodayaa in ay tahay mid ka mid ah sababaha ay dumarka ugu adagtahay in ay xilalka hoggaaminta qabtaan. Sababtuna ay tahay in bulshadu ay ragga aan shaqada gudan karin ku abaalmariso hoggaanka.

Waa maxay sababta ay u guulaystaan dadka aan hawsha siday tahay uga soo bixi karin?

Xirfadda wanaagsan ayaa astaan u ah hoggaaminta wanaagsanLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionXirfadda wanaagsan ayaa astaan u ah hoggaaminta wanaagsan

Marka aan dooranayno hoggaamin siyaasadeed ama mid ganacsi, waxaan wajahnaa masuuliyado la taaban karo, balse inaga oon si fiican u fahmin, maskaxdana tuujin ayaan doorannaa dadka “isla markaasna ma tijaabinno ama ma hubinno in qofka aan doorannay uu u wanaagsan yahay hay’addeenna ama dalkeenna ayaan xilka ku wareejinnaa, ayuu yiri Tomas, balse waxaan inaga maqan “macluumaad aan si rasmi ah uga heli karno in hoggaamiyeyaashu ay si wanaagsan hawshooda u gudanayaan iyo in kale. Inta badanna waxaan ku dhagnaa qaabkooda iyo waxa ay miiska soo saari karaan, badalkii aan eegi lahayn hoggaamintooda dhabta ah.”

Marka horaba waxaan diiradda saarnaa sida uu qofku isugu kalsoon yahay, ahmiyadna ma siinno awoodda uu qofku u leeyahay in uu hawsha uga soo baxo ama hawlkarnimadiisa.” Ayuu yiri Tomas. – wuxuuna intaas ku daray badanaa waxaan ku go’aan qaadannaa wakhti kooban oo aan qofka waraysi la yeelannay ama dood ay talefishinka ka jeediyeen siyaasiyiinta.

Midda labaadna waxaan in badan diiradda saarnaa haybadda ama soo jiidashada, ahmiyad badanna lama siiyo tawaaduca ama is dhul dhigidda.

Tomas wuxuu qabaa in dadku ay isku raacsan yihiin in ay wanaagsantahay in qofku uu tawaadac sameeyo, laakiin ay dadku jecel yihiin hoggaamiyeyaasha dadka xiiso galiya, soo jiidashada leh, dadka ka qosliya ee isku kalsoon – balse su’aasha ayaa ah sideed ku ogaan kartaa in qofkaasi uu si wanaagsan u hoggaamin karo kooxdaada?”

Wajiga sidan oo dhan isugu kalsoon shaqo ma u diidi lahayd?Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionWajiga sidan oo dhan isugu kalsoon shaqo ma u diidi lahayd?

Midda saddexaad ee ay tahay in laga walaacana waa, “Marka qofku uu u muuqdo in uu xoogga saarayo naftiisa iyo waxyaabaha uu danaynayo si uu uga miro dhaliyo hadafyadiisa, ama uu u muuqdo mid aan maran oon meelna u socon, badalkii aan meesha ka saari lahayn waxaan dhahnaa cajiib, qofkan tayo hoggaamineed ayuu leeyahay.”

Macluumaad yada horay loo arruuriyay ee lagu darsay cilmiga shaqsiyadda oo tobannaan sano laga soo aruuriyay caalamka oo dhan ayaa tilmaamay in saddexdaa tilmaamood een kor ku soo xusnay ay ku badan tahay ragga marka dumarka loo fiiriyo, “taasina ay sharaxaad ka bixinayso sida loogu janjeersado dhanka hoggaan xumida iyo in raggu uu hoggaanka u bato,” ayuu yiri Tomas.

Qiyaas midka safka ku jira si uu waax u hoggaamiyo oo loo dalacsiiyo?Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionQiyaas midka safka ku jira si uu waax u hoggaamiyo oo loo dalacsiiyo?

Sababaha aan khaladaadkii inaga dhacay ugu laabanno nin aan ku habboonaynna u xulanno

Waxay u badan tahay in aynaan rabin in uu shaqada qabto “qofka ugu wanaagsan” ayuu yiri Tomas, sheeko ahaan arrintaas waan u haynaa – balse maxaa caddayn ah?”

Tomas marka uu fiiriyo tixraacyadii hore wuxuu inoo sheegi karaa “in marar badan qolyaha shaqaalaysiinta qaabilsan ay dajistaan hadafyo kooban, halka qaarna si aysan caddaysanayn ay diiradda uga saaraan “qofkan sawir qurux badan ma iga bixin karaa” ama mashaakilka i haysta durba ma iga bixin karaa, ama shirkaddu sida ay tahay ma uga sii shaqayn doonaa isaga oon isbadal ku smaayn, masa samayn doonaa waxaan dhoho.”

“Urur walba iyo ganacsi walba, hoggaamiyeyaashooda waa in lagu qiimeeyaa sida ay saamayn ugu yeelan karaan kooxda la shaqaynaysa iyo kuwa hoos imaanaya, laguna qiimeeyo oo lagu dalacsiiyo sida ay u maamulaan.”

Sidee marxaladdaas soo noqnoqda looga tallaabi karaa?

Roger FedererLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Saddex tallaabo oo muhiim ah ayaa hor yaalla shirkad walba ama dimuqraadiyadda, arrintaasna waa in uu qof walba raacaa haddii uu rabo in uu xididdada u siibo masuuliyiinta aan hawlkarka ahayn, ayuu yiri Tomas.

1. Maxaad shaqaalaysiisanaysaa ama u codaynaysaa – si taxadar leh ugu kuurgal dhammaan calaamadaha muuqda ka dibna fiiri tayooyinka horseeda hoggaamiye wanaagsan, waxyaabaha ay tahay in aad fiiriso waxaa ka mid ah

  • Hawlkarnimada
  • Xirffadda dadka
  • Isdhul dhigga ama isla wayni la’aanta
  • Feejignaanta qofka
  • Sumcadda
  • Niyadda uu u hayo in uu wax ogaado iyo awoodda uu u leeyahay in uu wax kororsado.

2. Waxaan u baahannahay in aan baranno ka dheeraanshaha sida aan wax u aragno. Iska ilow in aad raacdo sida aad shaqsi ahaan wax u aragto iyo sida aad go’aamada u qaadato adiga oon cilmi ku salaynayn, arrimahaasna waxaad ku badashaa in aad isticmaasho xogaha la heli karo.

Marka ay macquul tahay raadi xaqiiqooyin, sida qiimaynta horusocodnimada, caddaymaha qaabkii uu qofku u shaqeeyay, iyadoo la raacayo tallaabooyinka saxda ah ee muujinaya hufnaanta hoggaamineed, isla markaasna aan meesha lagu soo darin sida uu qofku uga dhex muuqdo siyaasadda xafiiska.

“Hay’adaha ama ururrada macluumaad badan ayaa lala wadaagaa” ayuu yiri Tomas, wuxuuna intaas ku sii daray balse ma isticmaalaan ee taas badalkeeda waxay qaataan qofka ay ka tusto”.

3. Wax ka qabo dheelitirka jinsiga, haddii aad taas samaysana dhibaato wayn ayaad xal u heshay – balse Tomas ayaa arrintan meel adag ka istaagay wuxuuna yiri “wax ka qabashada arrimahan noocan ah ayaa guuldarraysta sababtoo ah badankood jinsiga ayaa ahmiyadda dhan la saaraa waxaana meeshii laga saaraa in hibada iyo xirfad la isku shaqaalaysiiyo.”

Haddaad rabto in aad xal hesho la imow xeelad aadan hoos ugu dhigayn dumarka hawlkarka ah si ay hoggaanka qayb uga noqdaan, dhanka kalana kor u qaad fursadaha yaraynaya in uu shaqo helo nin aan hawlkar ahayn,” ayuu yiri Tomas.

Dumarku ma xalbaa?

Tayo waa in la isku xusho oo aan jinsiga ahmiyad la siin ayuu leeyahay TomasLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionTayo waa in la isku xusho oo aan jinsiga ahmiyad la siin ayuu leeyahay Tomas

Xalku dumar ma aha, ee xalku waa in ay dhab inaga noqotaa qaabka aan u qiimaynno dadka shaqada u qalma iyo kuwa hibada u leh”. Ayuu yiri Tomas.

Haddii sida wax loo qiimeeyo la saxo oo ahmiyad la siiyo dadka hawsha ka soo bixi kara “arrintaas ma horseedayso in dumar badan ay hoggaanka ku soo biiraan ee waxay horseedi in dumarku ay hoggaanka kaga bataan ragga.

Sida uu Tomas ku warramayo macluumaadka hadda la heli karo waxay muujinayaan in dumarku ay waxyar ka tayo wanaagsanaadaan ragga marka ay timaaddo tawaaduca ama qofka oon isla waynayn, in qofka la hago si uu wax u korodhsado, feejignaanta iyo hawlkarnimada. Dalalka horumaray badan koodna dumarka ayaa ka natiijo fiican ragga marka ay jaamacadaha wada dhigtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here