RW Xasan Khayre oo ka hadlay weerarkii Shabaab ee Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha.

0
542

RW Xasan Khayre oo ka hadlay weerarkii Shabaab ee Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey dadkii ku dhintay weerarkii Shabaab  ee ku qaadeen dhimaha Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha oo ku taala degmada Shangaani.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay weearka waxa uu ugu duceeyay in Allaha uu jannadii geeyo eheledii iyo asaxaabtiib ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii weerarka lagu dilay, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalaka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ilaa laga tirtirayo jiritaankooda si ummadda Soomaaliyeed ay ugu noolaato nabad buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here