Dowlada Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis is dhaafis dhul safaaradeed

0
492

Dowlada Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis is dhaafis dhul safaaradeed

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa la saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu heshiis ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho.

Heshiiskan ayaa dhigaya in labada dhul ee ku kala yaalla labada magaalo uu dalba midka kale kiisa yeesho. Arrintan ayaa ah mid caadi ah oo inta badan dalalka caalamka ay sameeyaan.

Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah.

Turkiga waa dalka ugu weyn ee taageerada siiya Soomaaliya, waxaana uu dalka ka fuliyey mashaariic waa weyn, sida garoon diyaaradeed, isbitaallo, waddooyin iyo goobo waxbarasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here