DEG DEG : Qaraxyo iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Xarun Wasaaradeed

0
518

DEG DEG : Qaraxyo iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Xarun Wasaaradeed

Qaraxyo iyo weerar toos ah ayaa goor dhow lagu qaaday Xarumo wasaaradeed oo ku yaala degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegay in qaraxa hore oo ahaa mid aad u xooggan uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo ku dhow Isgoyska Jubba.

Qaraxa kaddib ayaa la sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, isla markaana la maqlayo rasaas culus.

Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaasta ay gudaha Wasaaradda ka socoto, waxaana la maqlay qarax labaad.

Dhismaha la weeraray ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa isku dhegan, sidoo kale waxaa u dhow Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxyada.

Qaraxyada maanta oo sabti ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalin ka hor uu Kusimaha Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo kulan la qaatay Guddoomiyaasha degmooyinka iyo Taliyeyaasha Booliska uu ugu baaqay inay ka feejignaadaan qaraxyo ka dhaca Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here