Turkiga oo ugu baaqay wadamada muslimiinta in ay ka soo qeyb galaan kulan looga hadlayo weerar-kii New Zealand

0
519

Turkiga oo ugu baaqay wadamada muslimiinta in ay ka soo qeyb galaan kulan looga hadlayo weerar-kii New Zealand

Dowlada Turkiga ayaa ku baaqday wadamada xubnaha ka ah Urur-ka iskaashiga islaamka in ay isugu yimaadaan kulan deg deg ah oo looga arinsanayo weerarkii lagu qaaday laba Masjid oo ku yaal New Zealand iyo suura laga qabo in ay dhacaan dhibaatooyin kale oo ay geestaan kuwa qaba islaam Naceyb-ka.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibeda Turkiga khamiista maanta ah ayaa lagu sheegay in Mevlut Cavusoglu uu hogaamin doono shirkaan oo ka dhacaya Jimcaha Berito magaalada Istanbul.

Hadii aa nahay Turkiga sidoo kalena aan hogaamineyno shirka urur-ka iskaashiga islaamka waxaan ku baaqeynaa kulankaan deg deg ah si aan uga hadalno dhibaatada iyo naceybka ka dhanka ah muslimiinta iyo weerarkii argagixiso ee ka dhacay 15-kii bishaan laba masjid oo ku yaal New Zealand.

Shirkaan ayaa waxaa dhanka kale lagu marti qaaday xubno ka socda qaramada midoobay, midowga yurub iyo hey,adaha daneeya dhanka Amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here