Kenya oo sheeganaysa kheyraadka ku jira badda dacwada ka taal ICJ in wabiyadeeda ka yimaadaan

0
512

Kenya oo sheeganaysa kheyraadka ku jira badda dacwada ka taal ICJ in wabiyadeeda ka yimaadaan

Kadib markii dowlada Kenya ay ku qanacday inaysan dowlada Soomaaliya diyaar u ahayn in lagu xaliyo wadahadal muranka ku saabsan lahaanshaha dhul badeedka ay dacwadiisu taal Maxkamada ICJ ayay bilowday in ay diyaariso dukuminti kahor bisha September oo loo ballansan yahay maxkamada.

Kenya ayaa hore ugu dooday in maxkamad Caalamiga ah ee ICJ aysan awood u lahayn qaadista muranka kala dhexeeya dalka Soomaaliya sanadkii 2016 taasoo ay ku guuldareysatay.

Sida ay daabaceen warbaahinta Kenya dowlada Shiinaha ayaa ka caawinaysa Kenya warbixin ku saabsan in kheyraadka hoos ceegaaga badda Soomaaliyeed ee ay dowlada Kenya sheeganayso in ay yihiin kuwo ka soo baxay dhulka Kenya oo ay wabiyada Kenya ku shubeen.

Sheegashadan ayaa ka mid ah farsamada ay dowlada Kenya ku damacsan tahay inay uga guuleysato dacwada ICJ iyadoo baaritaano ay si wadajir ah u sameeyeen khubaro u dhalatay dalka Kenya iyo Shiinaha.

Dowladaha Shiinaha iyo Kenya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan iyadoo dowlada Shiinaha ay mashaariic badan ka hirgelisay dalka Kenya.

Kenya ayaa u muuqata inay ku qanacday in aysan Soomaaliya wadahadal iyo gorgorton ka galayn baddeeda,talaabooyinka ay dowlada Kenya qaadayna waxaa ka mid ah inay kala baxday ciidamadeeda nabad ilaalinta saldhigyo ay ku lahaayeen deegaano kamid ah gobolka Gedo.

Kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi madaxweynaha Soomaaliya iyo Kenya labo toddobaad kahor ayaysan dowlada Kenya wax war ah ka soo saarin halka dowlada Soomaaliya ay ku sheegtay in kulankaas uu ahaa mid loogaga hadlay xiriirka labada dal oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here