Indha Cadde “Ciidamada waxey ka gadoodeen hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa mushaarkooda waan bixinaa”

0
553

Indha Cadde “Ciidamada waxey ka gadoodeen hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa mushaarkooda waan bixinaa”

Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa si kulul uga hadlay mushaar la’aanta dhowr bil heysata ciidamo ka tirsan xoogga dalka, taasoo sababtay inay isaga soo baxaan Saldhigyadoodii labada Shabeelle.

Isagoo ka hadlayay sababta keentay in Ciidamada inay soo baneeyaan difaacyadooda, ayuu tilmaamay inay tahay mid salka ku heysa hadalkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa inay bixiyeen mushaarka Ciidamada.

“Dhibaatada taagan waxa waaye Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga waxey yiraahdeen Ciidanka mushaarka ayey qaataan oo wax ka maqan ma jirto, arrintaasna waa mid gef ku ah Ciidanka, Ciidankiina Guryaha ayaa laga saaray maadaama iyagoo la yiri mushaar wey qaataan aan kirada iska bixin, sidaas ayey iyagiina u soo bexeen” ayuu yiri Indha Cadde.

Waxaa uu sidoo kale sheegay inay jirto Siyaasad xumo la xiriirta tirakoobka Ciidanka iyo bixinta mushaaraadkooda, loona baahan yahay inay labadaba isla socdaan.

“Askariga iyadoo xuquuqdiisa la siinayo ayaa la tira koobi karaa, waa in askarta xuquuqdooda la siiyaa goobohoodana dib loogu celiyo, Askariga inta uusan gadoodin ayaa wax walba la sixi karaa, mar haduu askariga gadoodo wey adag tahay sidii loo soo celin lahaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dowladda Soomalaiya ayaa filan waa ku noqotay tallaabada ay Ciidamada Xoogga dalka uga soo baxeen difaacyo ay ku lahaayeen Shabeellooyinka, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu deg deg Shabeelada Dhexe ugu diray wafdi Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan ah, si ay u xaliyaan tabashada Ciidamada ka soo baxay difaacyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here