Madaxweynaha oo wafdi Wasiiro iyo Saraakiil u diray Ciidamadii ka soo baxay difaacyada

0
477

Madaxweynaha oo wafdi Wasiiro iyo Saraakiil u diray Ciidamadii ka soo baxay difaacyada

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa goor dhow u baxay degmada Balcad, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamadii saaka soo faarujiyay difaacyadii ay kaga sugnaayeen Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wafdigan Wasiirada iyo saraakisha Ciidamada u diray goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamadan, si wax badan uga ogaadaan cabashadooda la xiriira mushaar la’aanta heysta muddo lix bilood ah.

Xubnaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka warfaafinta Daahir Geelle iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Raage.

Wafdigan ayaa la sheegay inay Saraakiisha iyo Ciidamada kula kulmi doona deegaanka Ceel Cadde oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka soo baxay deegaano ka tirsan degmada Cadale, waxaana ay sidoo kale u gudbi doonaan degmada Balcad, gaar ahaan Xerada Hiilweyne.

Waxaa la filayaa inay Ciidamada kula hadlaan Xerada Hiilweyne ee duleedka Balcad, halkaasoo ay saldhigteen Ciidamadii ka soo baxay Mahadaay, Buurane, Qalimow iyo Garsaale ee duleedka magaalada Jowhar, waxaana ay ku qancin doonaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen difaacyadooda.

Ciidamada ayaa arrimaha ugu weyn ee ay ka cabanayaan ay tahay hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo ahaa inay mushaarka qaateen ciidamada la diiwaan geliyay, halka ciidanka kale ee aan mushaarka qaadan ay socoto diiwaan gelintooda

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa isku dhex yaac xoog leh ku yimid saacadihii u dambeeyay, kaddib markii Ciidamada ay ka soo baxeen deegaano horay looga xoreeyay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here