Qaar Kamid Ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Saakay Xiran+SABABTA

0
684

Qaar Kamid Ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Saakay Xiran+

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta xiran,waxaana lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Isgoysyada qaar ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan wadada,iyadoo dadka qaar ay lugeynayaan.

Ciidamada dowladda isgoysyada ay xireen ayaa waxaa kamid ah, Isgoyska Tarabuunka,Taleex Banaadir,Wadada 30-ka iyo kuwo kale,waxaana dadka Shacabka ah ay yihiin kuwa maalaya cagtooda.

Sababta loo xiray maanta qaar kamid ah Wadooyinka muhiimka u ah isu socdka gaadiidka iyo dadweynaha ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madax ka tirsan dowlada Federaalka ay ka qeyb geli doonaan dha-gax dhig la filayan in lagu sameeyo Wadadda muhiimka ah ee isku xirta Magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here