Madaxweynaha Kenya oo ku dhawaaqay dagaal adag oo lala galaayo Shabaab

0
532

Madaxweynaha Kenya oo ku dhawaaqay dagaal adag oo lala galaayo Shabaab

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay hawlgal lagu ciribtiraayo Al-Shabaabka ka dhex dagaalama gudaha dalka Kenya ka dib markii uu kulan la qaatay Hay’addaha Ammaanka dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ku dhawaaqay in dowladda Kenya ay sameysay xarun loogu tala galay in lagu Keydiyo dadka soo galiya gudaha Kenya ee ka imaanaya Soomaaliya si aysan ugu soo dhex dhuuman Al-Shabaab.

Hay’addaha Ammaanka ayuu ku amray in ay fuliyaan howlgallo joogto ah oo lagula dagaallamaayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in haddii ay qabtaan Al-shabaab aysan xiri doonin isagoona sheegay in ay dili doonaan ka dibna ay aasi doonaan.

Kenyatta ayaana dadka Kenyaanka ah uga digay in ay guryahooda ay ku qariyaan dagaalyahana Al-Shabaab.

Isagoona ugu baaqay dadka degan magaalo xeebeedka Lamu in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago weerarada ay geysanayaan Alshabaab.

Al-Shabaab ayaa dhawaan weerar Khasaare badan dhaliyay ku qaaday Hoteel ku yaalla Magaalada Nairobi,halkaasoo ay ku dileen 21 qof , sidoo kalena ay ku dhaawacmay ku dhawaad 40 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here