Shabaab oo soo bandhigay saddex askari oo ay sheegeen Jubbaland inay ka soo goosteen

0
642

Shabaab oo soo bandhigay saddex askari oo ay sheegeen Jubbaland inay ka soo goosteen

Saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland ayaa isku dhiibay Ururka Al Shabaab, waxaana askartaan shalay galab lagu soo bandhigay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Isdhiibitaanka askartaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dagaal culus uu ka dhaxeeyo Shabaab & Ciidanka Jubbaland oo hadda wada abaabul dagaal noocii ugu dambeeyay.

Askartaan ayaa siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyay Magaalada Jilib, waxaana mid ka mid ah oo Idaacada Andalus ee Shabaab la hadlay uu sheegay in laga soo kaxeeyay deegaanka Birta ee Jubbooyinka, waxaana lagu soo qaaday Mooto.

Saddexda askari ee Shabaab ay soo bandhigeen, ayaa magacyadooda waxay ku kala sheegeen.

Cabdi Xakiin Ibraahin Xuseen

Caaqil Maxamed Cali

C/raxmaan Maxamed Faarax

Laba ka mid ah askartaan ayaa waxa ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ciidanka gaarka ah ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa illaalada ka haya Madaxtooyadda Jubbaland, balse Mushaarkii oo la siin waayay & waxyaabo kale oo xuriyada ku aadan oo ay heli waayeen awgeed inay uga soo tageen Jubbaland.

Al Shabaab ayaa xilliyo kala duwan ku soo bandhigay Magaalada Jilib askar ay sheegeen inay ka soo goosteen Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here