Ronaldo ayaa oggolaaday inuu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya €18.8m

0
529

Ronaldo ayaa oggolaaday inuu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya €18.8m

Xiddiga kubadda cagta, Cristiano Ronaldo ayaa heshiis ku soo afjaray dacwad uga socotay maxkamad ku taalla magaalada Madrid ee dalka Spain, taasoo ku heysatay eedeymo ku saabsan dhinaca canshuuraha, isagoo aqbalay inuu bixiyo lacag ganaax ah oo qiimaheedu uu dhan yahay €18.8 malyan oo Euro una dhiganta $21.3 malyan oo doolar.

Warbaahin fara badan ayaa isugu tagtay maxkamadda horteeda si ay ula kulmaan ciyaaryahankan.

Garsoorka maxkamadda ayaa horay ugu can seyray codsi uga yimid Ronaldo oo doonayay inuu qaab muuqaal ah uga qeyb galo dacwadda ama uu maxkamadda ku dhex galo gaari, si uu uga dhuunto saxmadda iyo indhaha warbaahinta.

Heshiiskan oo goor hore la isku raacay ayaa waxaa qeyb ka ah xukun xabsi oo 23 bilood ah.

Hase ahaatee dalka Spain, dadka xukunka lagu rido inta badan wax wakhti ah kuma bixiyaan xabsiga ay muddadiisa ka yar tahay 2-da sano.

Dambiga lagu helay Ronaldo oo noociisu uusan ahayn mid qalalaase ah ayaa ka dhigan in sida ay u badan tahay uusan xabsi u gali doonin.

Dhageysiga dacwadda maxkamadda uu maanta hor tagay Ronaldo ayaa socday dhowr daqiiqo oo kaliya, maadaama uu Ronaldo durba aqbalay heshiiska ay u soo bandhigeen dacwad oogeyaasha.

Laacibkan hadda u ciyaara kooxda Juventus, isla markaana saftay kulankii xalay, ayaa saaka maxkamadda horteeda lagu arkayay isagoo aad u dhoolla caddeynaya oo gacanta u taagaya suxufiyiinta faraha badnaa ee ku soo xoomay.

Qareennadiisa ayaa horay ugu dooday in ciyaaryahankan aan maxkamadda laga galinin albaabka ugu weyn, maadaama uu aad caan u yahay isla markaana loo baahan yahay in amnigiisa laga taxadaro.

Ronaldo ayaa markii uu maxkamadda gobolka gaaray la arkayay isagoo ay la socotay saaiibaddiis Georgina Rodriguez.

Maxay yihiin eedeymaha ka dhanka ah Ronaldo?

Ronaldo, oo 5 jeer ku guuleystay abaal marinta kubadda dahabka ah ee Ballon d’Or, sidoo kalena lagu tilmaamo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee soo maray taariikhda kubadda cagta ayaa lagu eedeeyay inuu ka war-wareegay bixinta canshuurihii looga baahnaa isagoo ku sugan Spain, gaar ahaan intii u dhaxeysay sannadihii 2010-kii ilaa 2014-kii.

Xilligaas waxa uu u ciyaarayay kooxda Real Madrid ee ka dhisan caasimadda dalka Spain.

Shirkadda sameysa liiska maalqabeennada caalamka ee Forbes ayaa ciyaartoygan 33 jirka ah ku tilmaantay inuu yahay qofka saddexaad ee ugu taajirsan dadka ciyaara, isagoo sannad kasta kasbada lacag lagu qiyaasay $108malyan oo doolar.

Sannadkii 2017-kii, oo markii ugu horreysay uu soo ifbaxay kiiskan, dacwad oogeyaasha ayaa sheegay “in uu si ula kac ah uga gaabiyay bixinta canshuurta looga baahnaa”.

Balse qareennada Ronaldo ayaa sheegay in arrintaas ay ku timid faham darro ku saabsaneyd waxyaabaha uu sharciga dalka Spain ka qabo habka bixinta canshuuraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here