DAAWO : Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Cusub Ee Itoobiya U Soo Magacowdey Somaliland

0
639

DAAWO : Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Cusub Ee Itoobiya U Soo Magacowdey Somaliland

Hargeysa (Dalmar-News):- Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Shamsudiin Axmed Rooble.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federaalka Itoobiya u soo magacawday Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu Dawladda Itoobiya ku bogaadiyey inay u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland dublamaasi xeel dheeri u leh shaqada safiirnimo, kana soo shaqeeyey dalal badan oo dunida ka mid ah, isaga oo u rajeeyey safiirka inuu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiskiisa uu haatan ka hawlgalaa hore u hayey.

Image may contain: 2 people, people sitting, suit and indoor

Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon).

Image may contain: 2 people, suit

Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 1 person, smiling, sitting and indoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here