7 Calaamadood oo Lagu Garto Kansarka.. Haddii Aad Isku Aragto u Degdeg Dhakhtar Si Waqti Hore Loola Tacaalo

0
1050

7 Calaamadood oo Lagu Garto Kansarka.. Haddii Aad Isku Aragto u Degdeg Dhakhtar Si Waqti Hore Loola Tacaalo

McMillan Chris Steele oo ah caalim ka tirsan xarunta cudurrada kansarka ee London, ayaa daahrogay 7 calaamadood oo aasaasi ah oo lagu garan karo cudurka kansarka,  oo markii uu qofi isku arko ay tahay inuu dhakhtar takhasusi ah aado.

Caalamadahan waxaa ka mid ah:

  1. Isbedello degdeg ah oo lagu arko caloosha iyo kaadi haysta.
  2. Dhiig bax aan sababtiisa la garaneyn.
  3. Laabta oo ay wax ka soo kuusmaan ama qeybo kale oo jirka ka tirsan.
  4. Hunguriga oo ay ku adkaato iney wax maraan.
  5. Qufaca xooggan oo codka bedela.
  6. Dhaawaca oo muddo dheer bogsan waaya.
  7. Baraha jirka oo isbedela ama xajmigoodu weynaado.

Steele. waxa uu tilmaamay in calaamadaha kor lagu soo sheegay ay dhici karto inaaney xiriir la lahayn kansarka, laakiin ay lagama maarmaan tahay markii la isku arko in dhakhatarka la aado.

Waxa uu yiri: “Adigu waqtigaaga kama lumineysid dhakhaatiirta, si ay u baaraan caalamadaha aad isku aragtay waxey yihiin.”

Dhakhtarkan reer Ingiriis waxa uu sheegay in 4 xaalood oo  ka mid ah 10 xaaladood ee cudurka kansarka laga helo in la horistaagi karo, waa marka la ogaado xilli hore inta aanuu qofka dishoon.

Si kastaba, farriinta ugu muhiimsan ayaa ah in waqti hore aad ogaato cudurka ku haya ay daawadiisa kaalin weyn ka qaadaneyso, laakiin marka xilli dambe laga war helo oo la ogaado marka uu qofka dishoodo waxaa uu gaarayaa heer aan waxba laga qaban karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here