Hal abuurka Saxaafadda, Diyaarinta Warbixin

0
1501

Hal abuurka Saxaafadda, Diyaarinta Warbixin

Inaad sameyso warbixin asal ah waxay u baahan tahay shaqo adag, waqti iyo ujeeddo. Ma ahan inta badan hawl aad maalin gudaheed ku sameyn karto ee waxay kaaga baahan tahay inaad wakhti geliso si aad u hesho sheeko cusub oo aan horey looga hadlin.

Wariye kastaa, wuxuu jecel yahay in shaqadiisa ay noqoto mid uu isagu ugu horeeyo tabinteeda.

Tilmaaamahan soo socda waxay ku saleysan yihiin, casharro iyo tababbarro isdaba joog ah, oo uu bixiyey Weriye ka tirsan BBC, ahaan jireyna tafatiraha barnaamijka Today Mr. Kevin Marsh.

Sababta aan saxaafadda ugu biirno

Ereyga ah (Hal abuurka wariyenimo), waa mid ka tarjumaya howsha dhab raadinta wariyaha iyo in uu warar asal ah keeno.

Weriyenimaddu, waa in aad dadka u sheegto wax cusub, oo ku keeni kara in ay joojiyaan waxa ay markaas hayaan, waxyaabo soo jiidanaya dareenkooda.

Dhamaan weriyayaasha, oo ay ku jiraan kuwa aan u bogno ama u qushuucno, waxay ka wal-walaan sida ay iyaga laftoodu wax cusub u hayaan (waxa laga hadlayaa waxa ay qabtaan) , halkee bay sheekada xigtaa ee xaqiiqda ah ka imaan doontaa?

Saxaafadda hal abuurka leh, waxay u baahan tahay xirfad. Xirfadaasoo la baran karo laakiin kuwa badan, oo howshaan ku dhex jiraa ay u maleynayaan in ay adag tahay in lagu dabaqo shaqada.

Weriyayaashu, waqtigan waa in ay soo saaraan wax ka badan wixii ay qabteen sanado yar ka hor.

Caddaadiska ku saaran, oo ah in aad wax badan soo saartid, ayaa wuxuu kaa dhaadhicinayaa inay shaqadu tahay mid aad u adag, balse inta badan xaalku ma aha mid adag, oo xog raadin ama baaritaanba u baahan.

Waxaa intaa dheer, waxaa jira boggag internet oo badan, oo warar saxan iyo kuwo qaldan intaba laga helo, waad ka heli kartaa qaybo ka mid ah wararka aad raadinayso.

Garashadda iyo Hab dhaqanka

Asalnimadu, waxay u baahan tahay shaqo, waqti iyo ujeeddo, ma ahan wax fudud ee waa shaqo adag, ma ahan mid maalmo kaliya ah lagu qaban karo, ee waxay u baahan tahay muddo dheer.

Micnaheedu, wuxuu noqon karaa baddelidda garashada iyo waliba sidoo kale bedelida dabeecadda. 

Kala doorashada adigaa iska leh ogow.

Ogaansho jecleysi

Markii aan diyaarinayey casharaddan iyo siminaaradan, waxaan la hadley tobanaan ka mid ah kuwa ugu waayo aragsan tafatirayaasha BBC, weriyayaasha, soosaarayaasha, cilmi baarayaasha oo aan waydiiyay wixii tallo ah, oo ay isiin karaan. 

Liiska qof kasta uu soo gudbiyay iyo inta badan qodobadda ugu horeeyey, wuxuu ahaa hal eray:

War-doonnimo.

Galgalkaaga iyo sida aad diyaarka ugu tahay in war raadiso, waxaa la dhihi karaa waa halka ay ka bilaabato helida sheekada aad u baahan tahay.

Hadii aadan waligaa la tagin shaqada fikrad sheeko adiga kaa soo maaxatay ama aad u kuurgashay, waa in aad barataa farsamooyin lagu helo fikradaha laga samayn karo sheekooyinka”

Talo wanaagsan oo ka timid shaqaalaha BBCda ee xafiiska Belfast , oo mid ka mid ah tafitarayaashooda uu sameyn jirey:

Wuxuu ku lugeyn jiray waddooyinka, wuxuuna sheegey in ilaa 500 yaardi baaxad dhan uu ka heli jiray sheeko qof kale uusan heli karin.

Tiradda meelaha qashinka lagu guro, heerarka meelaha gawaarida la dhigto, tirada gawaarida cusub, ciidanka ilaallada wadooyinka, meelaha kafeeyga laga cabo, oo ay ka buuxaan dad sigaar cabaya sababtoo ah waxaa laga mamnuucay in lagu cabo meelihii kale, dukaamadda furmaya, kuwa xirmaya, tuugsadayaasha, oo sheeko badan haya iyaguna, meelaha dhismayaashu ka socdaan,

Intee bey la’egtahay inta jeer ee aan ag-marney meel wax laga dhisayo, oo aynan wediin waxa ay dhisayaan?

Tafitire kalena wuxuu yiri. 

Waa in aad ahaataa mar kasta qof doonaya inuu ogaado waxkasta, ma aha in aad  eegtid darbi cad, oo aan waxba ku qorneyn ilaa aad is weydiisid sababta iyo sida uu sidaa ku noqday.

Su’aal sababta……. Hadana weydii Maxay ku dhacday

Hadaba, sidee u isticmaalaysaa awoodaada war-doonnimo.

Dabcan, waad isticmaaleysaa, laakiin waa digniin:

Ogow hadii aad si sax ah u ogaato waxaad isku badeleysaa qof dadka ka xanaajiya.

Waxaad raadineysaa in aad la soo baxdid garasho,  dhegeys warbaahinta, dadka, oo aad u aqriso wargeysyada, amaba magazine-nada, ama lugee hadii ay suurtagal kuu tahay ama raac gaadiidka dadwaynaha, intaas oo dhanba ka fakar, is waydiina (oo waxaasi maxay yihiin? war waxan caadi ma aha? iyo tolow waxaasi maxey ka walax yihiin?

Ku qasab naftaadda inay ka fakarto dhamaan inta su’aal ah, ee aad awooddo oo ah kuwa aan looga jawaabin waxaad soo aragtey, soo maqashey ama aad aqrisay. 

Aqri inta badan, wararka madaxdiisa, ee ku qoran qeyabaha wargeyska, ka qaado kuwa ugu gaaban ee aad heli karto kadibna is weydii dhamaan su’aalaha aan hore looga jawaabin ee jawaabta u baahan.

Wax u fiirso

U fiirsashadaada ugu horeysa ee sheeko ama dhacdo kasta,  ka madaxbanaanoow oo dibedda ka istaag sheekada si aad u bilowdo in si madax bannaan aad uga fakarto, wixii markii hore aad u malanaysay wax baa iska badali kara.

Is waydii, dadku sidaa ma u fekerayaan? Maxaa dhacaya hadii aad ka hortimaado fikirka dadka kale? Halkeey ku geyn kartaa?

Sidaa samee maalin walba inta aad hawshaadda ku dhex jirtid, fursado ayaa imaanaya, maalin uunbaad wax heli doontaa, ama sameyn doontaa xirriir qof kasta seegay, oo aan horey loo sameyn.

Michael Crick oo la shaqeeya BBC News Night,  ayaa yiri:

Xitaa hadii aad sameynayso maalin kasta, wax lagu caajisayo, waxaad is weydiisaa, waxa ku cusub sheekada.

Sheyga ugu weyn ee aad ku bilaabeyso in aad si asal ah uga fakarto ayaa ah sidii aad u noqon lahayd qof jecel in uu wax walba ogaado. Hadda ka hor, ayaa nin tafatire ah waxaa la geeyey Raadiye ku yaalla meel uusan cidna ka aqoon.

Wuxuu yiri: wax fikrad ah kama haysan, ma aqoon magaaladda, cid aan xirriir kala lahaa ma jirin, ma aqoon meel aan ka bilaabo, waxaa dhacday, in Ra’isul wasaarihii xilligaa waa Ms: Thatcher, ay ku dhawaaqday inay cunaqabateyn xagga ganacsiga ah ay ku soo rogtay dalkii la’oran jirey midowgii soofiyeeti kadib markii ay ciidamadiisu ku duuleen dalka Afgaanistaan,

Uma ekayn markaa mid micno wayn ugu fadhida shaqadeyda, kadib waxaan isku dayey inaan iska dhigo mid ku lug leh ganacsiga deegaankaas, waxaan la xirriiray madaxdii labadii shirkadood ee ugu weyneyd magaaladdaas, waxaana ka qaadey wareysi, waresigaasi wuxuu noqdey warkeenii, wargeysyadii megaaladda ayaa xigtey, iyo taleefishinaddii gobolka. 

Xigasho Bbbc :  https://www.bbc.co.uk/academy/so/articles/art20160927122413230?ocid=socialflow_twitter

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here