Maxkamada Sare ee Sri Lanka oo laashay in la kala diro xildhibaanada Barlamaanka

0
550

Maxkamada Sare ee Sri Lanka oo laashay in la kala diro xildhibaanada Barlamaanka

Maxkamada sare ee Sri Lanka ayaa laashay hadalkii ka soo baxay madaxweyne Maithripala Sirisena oo uu ku kala diray xubnaha barlamaanka oo ahaa in loo dareero doorasho kadib markii ay ka hor yimaadeen Ra’isul wasaaraha uu soo magacaabay.


Todoba garsoore oo ku sugnaa maxkamada ayaa khamiista maanta ah ayaa lagu sheegay in Sirisena uusan awoodin in uu kala diro 225 ka hor inta aan la gaarin mudo xileedkooda dastuuriga ah ee 4-ta sano iyo barka ah.

Xukunka maxkamada sare ayaa waxaa uu imaanayaa mudo todobo isbuuc ah oo dalka Sri Lanka ay ka jirtay ismaan dhaaf siyaasadeed oo dhashay kadib markii Ra’isul wasaarihii hore ee Ranil Wickremesinghe lagu badalay Mahinda Rajapaksa.

Madaxweyne Sirisena ayaa amarka badalaada ah ku dhawaaqay 26-dii bishii October waxaana arintaan aad uga carooday shacabka Siri Lanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here