Kooxo hubeysan oo dad ka badan 40 ruux ku dilay waqooyiga Mali

0
566

Kooxo hubeysan oo dad ka badan 40 ruux ku dilay waqooyiga Mali

Dagaalyahano hubeysan oo watay mooto ayaa waxay dileen in ka badan 40 ruux oo u dhashay qowmiyada Tuareg ee ku dhaqan waqooyiga Mali halkaasi oo ay ka taagan tahay dagaal ku saleysan dhanka dhulka, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan dowlada.


Weerarada ka dhacaya dhulka saxaraha ah ee u dhaxeeya qowmiyadaha ayaa keenay in xaalada ay noqoto mid halis ah iyadoo kooxa hubeysan ay bilaabeen weeraro ka dhan ah dalalka dhaca galbeedka Afrika ee dariska la ah Mali.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas,uuliyada weerarkaan lagu dilay 40-ka ruux,balse isku dhacyada u dhaxeeya qowmiyadaha Tuareg iyo Fulani ayaa sanadkaan waxaa ku dhintay boqolaal ruux.

Gudoomiyaha magaalada Menaka Nanout Kotia ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in in tuulo 20 kiilo mitir u jirta magaalada 43 ruux lagu dilay labadii maalin ee la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here