Dowladda Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday 5 heshiis iyo saddex is afgarad

0
522

Dowladda Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday 5 heshiis iyo saddex is afgarad

Dowladda Soomaaliya iyo Qatar ayaa maanta ku kala saxiixday magaalada Doxa illaa shan heshiis iyo saddex is afgarad, kuwaasoo ku saabsan arrimaha maalgashiga, ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga Doxa ayaa goobjoog ahaa, isaga oo uu wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Heshiiska ayaa waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixday Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda Prof. C/llaahi Qaloocow.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in heshiisyadan ay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka ay ugu jirto dan iyo faa’idooyin sida uu hadalka u dhigay.

Guddi Farsamo oo ka socda Soomaaliya iyo Qatar ayaa lagu heshiiyay inay ka shaqeeyaan dhameystirka Heshiisyada la kala saxiixday fulintooda loona boobsiiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay heshiisyo kala duwan ula saxiixatay Qatar, illaa iyo hadda weli waxba kama fulin heshiisyada qaarkood, sida mashaariicda horumarineed ee dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar- Muqdisho iyo Afgooye.

Qatar ayaa lagu tilmaamaa xilligan taageeraha weyn ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa horay u jiray booqasho dhowr ah oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa dhowr jeer oo hore booqday, sidoo kale Kusimaha Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa isna xilli walba taga, isagoo loo arko maskaxda ka dambeysa ee isku xirka iyo xiriirka Soomaaliya iyo Qatar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here