Dowlada Kenya oo ku baaqday in laga caawiyo wax ka qabashada shilalka

0
620

Dowlada Kenya oo ku baaqday in laga caawiyo wax ka qabashada shilalka

Bankiga aduunka ayaa warbixin uu soo saaray waxaa lagu sheegay in kenya ay ka mid tahay wadamada ugu badan oo shilalka ay ka dhacaan ee ku yaal qaarada Afrika.


Arimahaan ayaa lagu sheegay in ay qeyb ka tahay saxmada gawaarida ee sii kordhaya iyo xowliga sare ee darwalada ku kaxeyaan gawaarida dadweynaha.


Dhanka kale dowlada kenya ayaa ka dalbatay hey,ada badbaadada wadooyinka caalamka ee loo yaqaan (GRSF), in ay ka caawiso sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada shilalka oo dadka badan ugu dhimanayaan gudaha dalka kenya,

GRSF oo la aas aasay sanadkii 2006 -da ayaa waxaa ujeedada ugu weyn waxay aheyd sidii looga hortagi lahaa shilalka badan ee ku soo kordhaya caalamka.

Sanad kasta waxaa kenya laga diiwaan galiyaa in shilalka ay ku dhintaay 13,000 iyadoo tiradaan ay sare u sii kaceyso.

Warbixinta uu soo saaray bankiga aduunka oo soo xiganaya hey,ada badbaadada wadooyinka ee caalamka ayaa lagu sheegay dhanka kale in kenya ay safka hore ka hogaamineyso dadka ku dhaawacma shilalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here