Dowlada Somaliya oo Sheegtay in Rooboow uu Baydhabo geeyay Hub iyo Dagaalyahano dadka u hanjaba.

0
612

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in Rooboow uu Baydhabo geeyay Hub iyo Dagaalyahano dadka u hanjaba.

Wasaarada amniga Somaliya, ayaa ka hadashay xariga duhurnimadii Maanta baydhabo loogu geystay Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo kamid ah musharixiinta u taagan doorashada Madaxtinimo ee Koofur Galbeed Somaliya.

Qoraal ka soo baxaya Wasaarada amniga, ayaa lagu sheegay inuu Rooboow iska diiday amarro ka soo baxay Wasaarada, Bishii Augosto iyo 12-ka Bishan December, taasoo la xiriirtay inaanu Rooboow u tartamin doorashada baydhabo.

Sababaha loogu diidanyahay, ayaa qoraalka lagu sheegay inuu Rooboow iska diiday inuu si cad u cadeeyo inuu isaga baxay Shabaab, Eedeynna uga jeediyo Warbaahinta falalka ay sameeyaan.

Wasaarada amniga Somaliya, ayaa Rooboow ku eedeeyay inuu Hub iyo dagaalyahano soo galiyay Baydhabo, kuwaasoo durbadiiba bilaabay iney hanjabaado u jeeidyeen Dadka.

Si Kastaba, Xalaada Magaalada baydhabo, ayaa wali kacsan, waxaana meelaha qaar isku hor fadhiya Ciidamada amaanka, iyadoo mararka qaar la maqlayo rasaasta ay dhinacyada ishaya is weydaarsanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here