Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo sheegay in xilka Madaxweynaha uu sii heyn doono Gudoomiyaha Baarlamaanka

0
665

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo sheegay in xilka Madaxweynaha uu sii heyn doono Gudoomiyaha Baarlamaanka

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa war ka soo saaray cidda sii heynaysa xilka Madaxweynaha, maadaama la dheereeyay waqtiga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha xiga.

Guddiga Doorashada ayaa qoraal ka soo baxay ku sheegay in xilkaasi uu sii heyn doono Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Go’aanka Guddiga Doorashada ka soo baxay waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo barraha bulshada leesla dhex maraayay waxa Dastuurka Koonfur Galbeed uu ka qabo xilka uu ku magacaaban yahay Kusimaha Madaxweynaha, maadaama dib u dhac uu ku yimid waqtigii doorashada loo muddeeyay.

Guddiga Doorashada oo arrintaasi ka duulaaya ayaa sheegay maadaama aanu jirin Madaxweyne Kuxigeen, uu sharciga qabo in xilka uu sii heyn doono Gudoomiyaha Baarlamaanka.

19-ka bishan ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ay ka qabsoomto Doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed, waxaana hadda socdo dadaalo loogu diyaar-garowbayo qabsoomidda doorashadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here