Sideed Ku Garan Kartaa Inuu Qofi Si Dhab ah Kuu Jecel Yahay

0
2546

Sideed Ku Garan Kartaa Inuu Qofi Si Dhab ah Kuu Jecel Yahay

Jacaylku waa dareen qurux badan oo ah nimco weyn oo Alle bixiyo, waa dareen sare oo ka soo baxa qalbiga, qof kastaa jacaylka wuu u baahan yahay, laakiin dadka qaar waxaaney aqoon sida ay u kala saaraan qofka ka run sheegaya jacaylka iyo qofka kale. waxaa dhici karta dadka ugu badan ee ku wareersan iney yihiin dhalinyarada ay ku adag tahay iney kala saraan jacaylka dhabta ah iyo kan beenta ah ee daneysiga ku dhisan.

Hadaba, waxaan idiin soo bandhigaynaa calaamado ay sheegtay haweenayda arrimaha qoyska ku takhasustay ee (Sinaa Abu-Layl), iyadoo marka dhalinyarada ku garab siineysa iney kala saaraan dareenka jacaylka dhabta ah iyo kan dhalanteedka ah ee matalaaddu ku dhisan.

Astaamaha aasaasiga ah ee laga rabo qofka wax jecel

  • Qofka wax jecel waa qof fahmi kara dareenka dhinaca kale, isku dayi kara inuu fasiraad ka bixiyo erayada iyo ficilladiisa si wanaagsan.

-Dhageysi wanaagsan leh, saaxiibkii u aamusa, isku daya inuu fahmo, dareenkiisa gaarsiin kara, xitaa haddii uu afgaaban yahay oo labo eray oo qura uu ku yiraahdo.

-Qofka kale dhibaatadiisa dareemi kara, anaani aan ahayn.

-Waxa uu garab istaagaa saaxiibkii si maaddi ah ama canawi ah oo taageero dhan kasta leh u fidin kara, waxaana uu ka warhayaa noloshiisa farxad iyo murugo labada.

-Awood u leh inuu bulshada ku milmo oo noloshooda la qabso, naftiisana aan ka dhigin mid meel goonni ah ku xiran oo bulshada goonni socod aan ka noqon.

inta badan waxaan ognahay in ficilka qofka run sheeggiisa laga garto, sidaa darteed; inaan nafteenna khiyaanno maaha, waxaa muhiim ah inaan ka fogaanno kalifaadda jacaylka, muhiim maaha waxaanad kari karin inaad jacayl dartii u sameyso.

halkan waxaa muhiim ah qofka aad jeceshay marka uu khaldan yahay inaad toosiso, maaha qofka aad jeceshay inaad indho la’aan daba socoto, sida ay (Sinaa) sheegayso in wadada khaldan la iska celiyo jacaylka ayaa ku kobca, waana calaamad ka mid ah calaamadaha jacaylka dhabta ah lagu garto.

Si kastaba, nolosha dhadhanka waxaa u sameeya marka ay na garab taagan yihiin shaqsiyaad si dhab ah inoo jecel, waxaa muhiim ah inaan si wanaagsan u raadinno oo aan ilaashanno marka ay fursaddu noo saamaxdo inaan helno dad si dhab ah noo jecel.

Maandeeq FM

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here