Waxaa Maanta Tiyaatarada Caalamka iyo Hindoya Gilgilay Filmka Wayn ee filimka 2.0

0
920

Waxaa Maanta Tiyaatarada Caalamka iyo Hindoya Gilgilay Filmka Wayn ee filimka 2.0

Filimka weyn 2.0 qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo ayaa subaxan ku furmay 45% waana bilaabasho wanaagsan marka loo fiiriyo in 4000 tiyaatar  badan la saaray.

Maanta waa Khamiis oo maalin shaqo ah sidaa darteed Rajinikanth iyo Akshay Kumar filimkooda 2.0 sida uu ku furmay waa hab wanaagsan ayadoo bilaabashadiisa xaqiijisay inu 20 Crore talaabsna doono maalinta kowaad.

Filimka 2.0 haddii uu sare u kac sameeyo maanta gelinka dambe iyo caawo fiidkii waa qasab qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo maalinta kowaa dinuu 30 Crore  talaabsado sidoo kalena waa arin iska muuqato inuu noqon doono Akshay filimkiisa ugu bilaabashada wanaagsan.

Hadal heynta 2.0 uu xambaarsan waa mid waali ah dhanka Koonfurta marka loo fiiriyo si waali ah ayuu kaga furmay gobolka Tamil Nadu ee Superstar Rajinikanth ku awood badan yahay sidoo kalena dhanka Telugu kuma liito bilaabasho wanaagsan ayuu  sameeyay.

Waxa il gaar ah lagu eegi doonaa dhanka Waqooyiga ama qaybta Af Hindiga lagu daawanayo filimkan haddii maalinta kowaad uu ganacsi adag  sameeyo waa hubaa in iskooro lixaad leh sameyn doono mashruucaan sida weyn loo hadal haayo maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here