Xuska 100 sano guuradii dagaalkii Koowaad ee Adduunka oo lagu qabtay meelo badan oo caalamka ah

0
644

Xuska 100 sano guuradii dagaalkii Koowaad ee Adduunka oo lagu qabtay meelo badan oo caalamka ah

Waxaa qaybo kamid ah caalamka ka socotaa munaasabadaha lagu xusayo 100 sanaguuradii kasoo wareegtay dagaalkii koowaad ee Adduunka. Waxaana lagu maamuusaya markii lasoo afjaray dagaalka oo ay ahayd sannadkii 1918-kii.

Dalka Australia,kumananaan kamid ah dadkii soo dagaallamay dagaalka ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu qabtay magaalada Canbera.

Halka caasimadda dalka New Zealand ee Wellington lagu qabtay bandhig xabado rid ah.

Dalka Hindiya, xus ayaa loo sameeyay 74,000 oo cidaan oo Hindiya uga dhintay dagaalkii Koowaad ee Adduunka,

Munaasabadda ugu wayn ee xuska dagaalkii Koowaad ee adduunka waxaa maanta lagu qabanaya Yurub gaar ahaan degmada Arc de Triomphe oo ku taalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana ka qeyb galaya hoggaamiyeyaal ay kamid yihiin madaxweynaha Mareykanka Trump iyo dhiggiisa Ruushka Putin.

Dalka Britain, waxaa lagu qabtay munaasabado gaar ah oo lagu xusayo dagaalkii Koowaad ee dhacay intii u dhexeeysay sannadihii 1914-kii iyo 1918-kii.

Markii ugu horreysay, dadweynaha qaar ayaa loo ogolaaday inay tegaan xarunta ay ka socota munaasabadda Whitehall ee bartamaha magaalada London.

Diyaaradaha ka qayb qaadanaya xuska dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Adelaide ee dalka AustraliaLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionDiyaaradaha ka qayb qaadanaya xuska dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Adelaide ee dalka Australia
Xuska 100 sanno guuradiii dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Wellington ee dalka New ZealandLahaanshaha sawirkaPRESS ASSOCIATION
Image captionXuska 100 sanno guuradiii dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Wellington ee dalka New Zealand
Xuska 100 sanno guuradiii dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Wellington ee dalka New ZealandLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionXuska 100 sanno guuradiii dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Wellington ee dalka New Zealand

Maxaa laga bartay dagaalkii Koowaad ee Adduunka

Markii uu khudbadda ka jeedinayay magaalada Canbera, Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison wuxuu ku dheeraday muhiimadda xuska wuxuuna yiri ‘Dadka waxaa laga doonaya inay wax ka bartaan waxyaabihii lasoo maray, marka sii aan u qorsheyno sidii ay isbaddallo u gaari lahaayeen carruurteenna iyo jiilalka soo socda’.

Ololahii lagu magacaabay Gallipoli ee sannadkii 1915-kii wuxuu jab ku reebay ciidammada Australia iyo New Zealand .

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraallo uu ku sheegayo in dalkiisa uusan si toos ah uga qeyb qaadan dagaalkii Koowaad balse ciidammada Hindiya ay kasoo dagaallameen waddamo badan si ay xoojiyaan ammaanka dunida.

Ubax la dhigay goob lagu xusayay munaasabadda magaalada AdelaideLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionUbax la dhigay goob lagu xusayay munaasabadda magaalada Adelaide

Hoggaamiyeyaasha oo ku kulmay Paris

Diiradda waxaa la saaraya dalalka reer Yurub, halkaaso 70 hoggaamiyeyaal oo caalamka ka socda ay ku kulmayaan magaalad Paris si ay ugu qeyb galaan 100 sanno guuradii kasoo wareegtay dagaalkii Koowaad ee Adduunka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa hoggaaminaya munaasabadda ugu wayn oo maanta ka dhaceysa qabuuro ay ku aasan yihiin ciidammadii Faransiiska ee ku dhintay dagaalka gaar ahaan degmada Arc de Triomphe ee magaalada Paris.

Ammaanka degmada Arc de Triomphe oo si wayn loo xoojiyayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionAmmaanka degmada Arc de Triomphe oo si wayn loo xoojiyay

Maanta gelinka dambe, kulan looga hadlayo arrimaha ammaanka ayaa ka dhacaya Paris, waxaana ka qeyb galaya hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo hoggaamiyeyaal kale.

Sabtidii Macron iyo Merkel waxay booqdeen magaalada waqooyiga Faransiiska ku taalla ee Compiègne halkaas o ay ku saxiixeen buug xusuus ah.

Madaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqasho uu ku tegi lahaa qaaburo ku yaalla halkaasi oo ay ku aasan yihiin dadkii ku dhintay dagaalkii Koowaad.

Ururrada bulshada rayidka oo gaarayo 50 urur ayaa qorsheynaya inay Paris ka dhigaan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan booqashada Trump uu ku joogo Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here