Haweenay Ninkeeda Iskaga Furtay Sabab Ragga Badankooda Caadi u Ah

0
868

Haweenay Ninkeeda Iskaga Furtay Sabab Ragga Badankooda Caadi u Ah

Haweenay Turki ah ayaa ninkeeda iska furtay, kadib markii uu dhowr jeer guriga casho ugu sameeyay saaxiibadii iyadoo aaney xaaskiisu raalli ka ahayn.

Maxkamad racfaan Turkiga ayaa haweenay ninkeeda ka sheegatay inuu saaxiibadiisa si joogto ah ugu yeero casho oo u xukuntay in ninkaa laga furo.

Sida ay qortay jariidada (Hürriyet Daily News), Garsoorihii maxkamadda ayaa waxa uu yiri markii uu xukunka ku dhawaaqayay: “Gurigaagu maqaayad maaha, xaaskaaguna kuugnimo guriga kuuguma joogto.”

Hawenaydan ayaa ninkeeda dacweysay labo sano ka hor si looga furo, waxey ku eedaynaysay inuu casuumaad ka badbadis ah guriga ugu sameeyo saaxiibadii uu casho ugu qaado.

Maxkamadda deegaan ku yaalla (Geeraz) ee gobolka Saynuubta waqooyi ee dalka Turkiga ayaa xukun furriin ah ku ridday, laakiin ninkii arrintaasi ma’aaney qancin oo waxa uu ka qaatay racfaan oo markii dambe go’aanka maxkamadda koowaad ku raacay xukunna ku gaaray in ninkan naagtiisa laga furo oo halkaa ay ku kala dhaqaaqaan.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in ninkani uu si joogto ah saaxiibadii ugu yeero gurigiisa iyadoo aaney xaaskiisu ogoleyn, iyadoo maxkamaddu sheegtay inuu ninku rag guriga ugu yeero iyadoo aaney xaaskiisu raalli ka ahayn iney keenayso furriin isla markaana laga fasaqayo.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here