Dumarka oo Ragga Kaga Sarreeya Xirfadaha Akhriska iyo Barashada Luqadaha Qalaad (Daraasad)

0
848

Dumarka oo Ragga Kaga Sarreeya Xirfadaha Akhriska iyo Barashada Luqadaha Qalaad (Daraasad)

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dumarku ay muujiyeen iney si muuqata ragga ugaga sarreeyaan xirfadaha akhriska, qoraalka iyo barashada luqadaha Qalaad, arrintaas oo keentay in xirfadahaa lagu magacaabo xirfadaha dumar.

Jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, ayaa sheegtay in Khubaro daraasad sameysay ay sheegay iney gaareen natiijadan, kadib markii ay baareen xogaha 4 milyan oo arday Mareykan ah oo Dugsiyada Sare dhigta oo xogohooda baaritaan lagu  sameeyay muddo Soddon sanno ah.

Cilmi-baarayaasha waxaa u caddaatay in xifadda sare ee dumarka ay muuqaneyso marka ay 10-18 jir ay tahay, laakiin gaabka ragga iyo dumarka u dhexeeya uu soo yaraanayaa xilliga 18 jirka.

Khubaradana ayaa sababta ku tilmaamay in caqabadaha ragga ka horyimaadda ay ka badan tahay tan dumarka, halka baraarugaga joogtada ah ay dumarku kaga fiican yihiin ragga.

Waxaa kale oo ay intaa sii raaciyeen, sabab kale oo ay dumarku xirfadahaa  kaga horreeyaan ragga iney tahay habka ay maskaxdoodu u shaqeyso oo ay ku kala duwan yihiin, dumarka labada dhinac ee maskaxdooda ayay adeegsadaan xilliga akhriska iyo qoraalka, halka raggu ay isticmaalaan hal-dhinac oo qura, waa sida daraasad hore ay tilmaantay.

Daily Mail Online

@MailOnline

Girls are better than boys at reading AND writing by age 10 because ‘language is seen as a feminine skill’, scientists claim https://dailym.ai/2OaqIqQ 

Girls are better than boys at reading AND writing by age 10

Researchers at Griffith University in Australia came to their conclusion after reviewing the scores of four-million American students spanning almost three decades. (Stock image)

dailymail.co.uk

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here