Daraasad Cusub oo Sugtay In Caanaha Dhimasho Looga Badbaado

0
842

Daraasad Cusub oo Sugtay In Caanaha Dhimasho Looga Badbaado

Khubaro Canadian ah oo ka tirsan Jaamacadda McMaster ayaa sheegay in caanaha dufanku ku yar yahay ay yareeyaan khatarta cudurrada wadanaha, xidida dhiigga iyo cimi-degdeg keena inuu qofku xilli hore geeriyoodo, natiijada cilmi-baaristan cusub ayaa lagu faafiyay joornaalka “The Lancet“.

Khubaradan ayaa muddo 9 sano ah waxey u ruurinayeen xogaha 136 kun oo qof oo ku kala nool 21 dowladood oo daafaha kala duwan ee dunida ku kala yaalla, da’dooduna ay u dhaxeysay 35 ilaa 70 sano bilowgii hore ee cilmi-baarista.

Natiijada daraasaddan waxaa ka soo baxday in dadka maalintii saddex waqti caano caabba-hal galaas waqti kasta- ay kaga yar yihiin dhanka cudurrada wadnaha iyo xididada dhiigga asaaggoodana aan caanaha cabbin. waxaa kale oo ay tilmaameen in dadka cudurrada wadnaha iyo xididada dhiigga qaba ay sidoo kale geeridu ku yaraatay marka ay caanaha rukunteen.

Khubaradu waxey aaminsan yihiin in natiijada ay gaareen ay la xiriirto maaddooyinka caanaha laga helo ee leh fiytamiinnada K1, K2, dufanka Unsaturated fat-ka, sidaas oo kale, Calcium, magnesium iyo potassium.

ISSN Diploma@ISSN_Diploma

Paper of the day: Association of dairy intake with cardiovascular disease and mortality in 21 countries from five continents (PURE) – a prospective cohort studyhttps://www.thelancet.com/journals/lancet/article/PIIS0140-6736(18)31812-9/fulltext 

Association of dairy intake with cardiovascular disease and mortality in 21 countries from five…

Dairy consumption was associated with lower risk of mortality and major cardiovascular disease events in a diverse multinational cohort.

thelancet.com

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here