Dowlada Qadar oo ugu deeqday 15 bilyan oo Dollar dalka Turkiga

0
932

Dowlada Qadar oo ugu deeqday 15 bilyan oo Dollar dalka Turkiga

Amiirka dalka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga waxana uu ku dhowaaqay lacag dhan 15 Bilyan oo Dollar oo si toos  ah u gelinayo suuqyada lacagta iyo bangiyada dalka Turkiga.

Amiirka ayaa warkan ka sheegay kadib markii uu kula kulmay caasimada Turkiga ee Ankara Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Dowlada Turkiga ayaa waxaa haatan haysta qalalaase dhaqaale waxaana meeshii ugu sareysay gaartay xiisad u dhexeysa dalka ay ku wada jiraan gaashaanbuurta NATO ee Maraykanka.

Sheikh Tamim amiirka Qadar ayaa ah hogaamiyihii ugu horeeyay ee ka socda dal kale oo booqda Ankara tan iyo markii toddobaadkii la soo dhaafay uu bilowday khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo dalka Turkiga.

“Waxaan garab taaganahay walaalaheena Turkiga oo annaga na dhinac istaagay markii aan u baahneen, kulan muhiim ah oo Ankara kula yeeshay Madaxweyne Erdogan waxaan ku dhowaaqnay  $15bn iyo weliba maalgelin mashaariic dal leh dhaqaale adag oo hormaraya.”ayuu ku qoray Amiirka Qadar bartiisa Twitterka ah.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Turkiga Ibrahim Kalin ayaa ku tilmaamay booqashada Amiirka Qadar mid muhiim ah isla markaana tilmaamaysa in Qadar ay garab taagan tahay dalka Turkiga.

Dowlada Maraykanka ayaa waxa ay ku leedahay dalka Qadar saldhig Milatari oo ka mid ah saldhigyada ugu muhiimsan ee ay ciidamada Maraykanka ku leeyihiin caalamka.

Qiimaha Liiraha Turkiga ayaa hoos u dhacay toddobaadkan marka loo fiiriyo Dollarka Maraykanka hase yeeshee waxaa qiimaha Liiraha uu sare kac sameeyay maanta kadib markii Wasaarada Maaliyada Turkiga ay tallaabooyin muhiim ah qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here