Waddooyin Caafimaad (5) oo Lagula Dagaallamo Riyooyinka Cabsida Badan

0
936

Waddooyin Caafimaad (5) oo Lagula Dagaallamo Riyooyinka Cabsida Badan

Dadka qaar waxey si joogta ah u arkaan habeen kasta riyooyin argagax badan oo ay xilliyada qaar hurdada uga sasaan oo u keenta hurdo la’aan iyo dhibaatooyinta nafsi ah iyo mid bulsho, sida; Depression oo kale, kaas oo marka dambe uu qofku u baahdo daaweyn si uu ula tacaalo.

Dr. Jamal Fayruus oo ku takhasusay Psychological health oo wareysi gaar ah siiyay jariidada “Youm7” ee dalka Masar ka soo baxda ayaa sheegay in dadka qaar ay habeen walba waajahaan riyooyin xunxun oo cabsi badan, arrintaas oo u keenta hurdo yari, waxa uu sheegay iney jireen waddooyin lagu daaweyn karo oo ay ka mid yihiin 5 wadiiqo:

  1. Inuu qofku sameeyo sports Yoga-ha la yiraahdo si maalinleh ah, Yoga waxa lagu dejiyaa neerfaha, xakameynta naftana waa lagu bartaa.
  2. Qofku inuu isku dayo inuu naftiisa xakameeyo inta aanuu seexan ka hor oo uu isku dayo inuu illaawo mushkiladihii uu maalinta la kulmay.
  3. Music deggan inuu qofku dhageysto. (Haddii aadan jeclayn, nashiiddo oo kale isticmaal).
  4. Inuu qofku dhabarka u seexdo barkin illaa xad sarreysa uu isticmaalo, xoogaa jimicsi ah uu isku dayo illaa uu xasillooni ka dareemo.
  5. Inuu qofku cabbo cabitaan caafimaad oo diirran oo reefaha dejin kara.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here