Labo ruux oo ku dhaawacantay shil ka dhacay banaanka xarunta Baarlamaanka Ingiriiska

0
714

Labo ruux oo ku dhaawacantay shil ka dhacay banaanka xarunta Baarlamaanka Ingiriiska

Labo ruux ayaa dhaawacantay, kaddib markii shil gaari uu ka dhacay banaanka xarunta Baarlamaanka Ingiriiska ee magaalada London, abaarihii saaka subaxdii 7:30 waqtiga dalka Ingiriiska.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ku dhacay goob ammaanka xarunta laga sugo, waxaana socda baaritaano la xiriira dhacdadan oo xaalad feejignaan gelisay Ciidamada Ammaanka

Ciidamada ammaanka ayaa xiray ninkii darawalka ahaa ee shilka geystay, sidoo kale labo qof ayaa loola cararay isbitaalka, kuwaasoo xaaladooda aanay qatar ku jirin.

Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ayaa baaraya xaaladan, si maskax furan ku jirto, waxaana agagaarka Xarunta Baarlamaanka Ingiriiska lagu arkay ciidamo iyo gaadiid fara badan.

Booliska illaa hada ma sheegin in dhacdadan ay tahay mid xiriir la leh arrimo argagixiso, balse goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaabka darawalka dadka ugu dhiftay gaariga ay u muuqatay mid ula kac ah.

Duqa magaalada London ayaa boggaadiyay sida degdeg ah ee Ciidamada uga jawaabeen markii shilka uga dhacay bartamaha magaalada London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here