Dowladda Turkiga oo qaaday xaaladdii degdegga aheyd ee dalkaas saarneyd

0
602

Dowladda Turkiga oo qaaday xaaladdii degdegga aheyd ee dalkaas saarneyd

Dowladda Turkiga ayaa qaaday xaaladdii degdegga aheyd ee dalkaas saarneyd labadii sano ee la soo dhaafay, kaddib markii uu dhacay afgambigii fashilmay bishii July ee sanadkii 2016.

Afgambigii dhicisoobay ayaa ujeedkiisa ahaa in xukunka lagaga tuuro Madaxweyne Erdogan, hase ahaatee shacabka Turkiga ayaa is hor-taagay afgambigaas.

Mudadii uu jiray xukuna degdegga ahaa ayaa waxaa xabsiga la dhigay kumanaan qof, iyo kumanaan kale oo shaqooyinkooda ku waayay.

Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in go’aansaday inay qaado xaaladda degdegga halkii saddex bilood oo dheeraad ah lagu kordhin lahaa.

Go’aankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadyo ka hor ay ka dhacday Turkiga doorasho mar kale Madaxweyne loogu doortay Recep Tayyib Erdogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here