Daraasad: Qahwada oo Lagaga Hortago Cimri-degdegga

0
842

Daraasad: Qahwada oo Lagaga Hortago Cimri-degdegga

Daraasad cusub oo dhawaan la soo saartay ayaa muujisay kaalinta wax ku oolka ah ee ay Qahwadu ka ciyaarto khatarta dhimashada xilliga hore ee cimi-degdegga.

Daraasaddan oo natiijadeeda lagu soo daabacay “USA today“, ayaa waxey daahrogtay faa’iidooyinka caafimaad ee qahwada laga helo, waxaa lagaga hortagaa cudurrada wadnaha, waxaana lagu yareeyaa heerka kolestaroolka dhiigga.

Khubaradii daraasaddan wadday oo ka tirsan Ururka caafimaadka Mareykanka ayaa waxey ku tiirsanaayeen xogo caafimaad oo laga uruuriyay nus-milyan qof oo da’doodu u dhaxeyso 38 ilaa 73 sano jir ah.

Daraasaddan ayaa muujisay in Qahwada aan kafeega lahayn aaney keenin geeri xilli hore ah, aadbayna ugu dhibaato yar tahay bunka.

Cilmi-baaristan natiijada laga gaaray ayaa albaabada u furtay in Qahwada lagu daro nidaamka cunnada caafimaad.

Waxaa xusid mudan, in uu jiro xukun ka soo baxay maxkamadda sare ee Los Angeles, kaas oo tilmaamaya in gasaacadaha Qahwada California lagu iibiyo la soo raaciyo digniin dadka looga digay kansarka, maadama ay ku jiraan maaddooyinka kiimiko ah oo kansarka laga qaado oo Qahwada looga ilaalinayo iney dhacdo.

Sidaas oo kale, daraasaddan waxaa lagu mucaaraday oo laga soo horjeestay go’aan uu soo saaray fayadhowr-ka Yurub sanadkii 2015, kaas oo ka digayay 4 koob oo Qahwo ah maalintii qofka caba inuu welwel badan dareemayo.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here