Daraasad: Daalka Shaqada oo Indha La’aan Keeni Kara!

0
1169

Daraasad: Daalka Shaqada oo Indha La’aan Keeni Kara!

Xilligan aan ku jirno daalka shaqada aad ayuu u badan yahay, saacadaha shaqada ee dhaadheer, waqtiga nasashada oo iska kooban. Daalka tirada badan waxaa ka dhasha raad aan wanaagsaney oo uu dhaliyo caqli fakaraya oo welwel uu ku jira, waxaana ka dhasha cudurro ay buurnida iyo wadna xanuun ka mid yihiin sidii horey loo daahrogay; sidaas oo kale indho la’aan ayuu dalaakaasi sababi karaa.

Sida ay qortay jariidada EPMA, daraasad dhawaan la sameeyay ayaa daalka shaqada lagu ogaaday inuu keeni karo indho la’aan , welwelka tirade badan ee daalka la xiriira waxa uu keenaa indho la’aan!.

Bernard Sable oo ka mid ah khubaradii daraasaddan wax ka diyaarisay ayaa sheegay in daalka yahay sabab weyn oo aan la dhayalsan karin oo indho la’aan laga qaado, indho la’aantu la ma xiriirto oo qura cudurada, glaucoma, optic neuropathy, diabetic retinopathy iyo sonkorowga da’da la xiriirta.

“Daalka waxa uu saameeyaa heerka cortisol ka jirka, arrintaas oo saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelanaysa indhaha iyo maskaxda, dhibaato soo gaareysa dareemayaasha autonomous nervous-ka, waxaa sidaas oo kale dhibaato ay soo gaareysa xidida dhiigga, sidaa darted daalku waa sabab ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee indho la’aanta laga qaado, waxa uu la mid yahay glaucoma iyo optic neuropathy.”, waa sida ay daraasaddu sheegtay.

Daraasaddan ayaa waxey ku tiirsaneyd cilmi-baarisyo tiro badan oo horey loo sameeyay, warbixinno bukaanka sariir jiifa laga diyaariyay, si loo ogaado xiriirka ka dhaxeeya daalka iyo cudurrada indhaha.

Khubaradii daraasaddan diyaarisay ayaa waxey ku talinayaa in la isticmaalo waxyaabaha  daalka shaqada lagu yareeyo, si looga hortogo dhibaatooyinka mustaqbalka ee indhaha ku imaan kara, sida; inaan ku tababarato sida daalka looyareero, nasasho kala googo’an, sidaas oo kale waxey cilmi-baaryaashu ku taliyeen inuu qofku sameeyo sports-ka Yoga loo yaqaanno oo daalka aad ugu wanaagsan.

Mark Mantra@meditaudios

Prolonged Psychological Stress May Cause Blindness: Eat These 5 Foods To Beat Stress http://dlvr.it/QYH7pt 

Maandeeq FM  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here