18ka cisho ee dheeraadka ah malagu soo gabagabeyn karaa Doorashada Kuraasta ka harsan Golaha Shacabka?

0
377

18ka cisho ee dheeraadka ah malagu soo gabagabeyn karaa Doorashada Kuraasta ka harsan Golaha Shacabka?

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa go’aamiyay in 18 cisho oo dheeraad ah lagu kordhiyo waqtiga uu golahaan u asteeyay in lagu soo gabagabeeyo Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ku ek 25ka Febaraayo 2022 oo maanta ah.

Kulanka ku qabsoomay muuqaalka Fogaan-aragga ayuu Golaha Wadatashiga Qaranka sheegay in Doorashada Xildhibaannada dhiman lagu soo gabagabeynayo 15ka Maarso 2022, Dowlad-Goboleedyada ayaa la amray in ay dadejiyaan Doorashada.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa bogaadiyay Doorashada Mudanayaasha lagu doortay waqtiga ay ku ballameen in lagu soo gabagabeeyo balse loo baahday waqti dheeraad ah maadaama ay dhiman yihiin kuraas kale.

71% Xildhibaannada la doortay labada ayuu Golaha Wadatashiga Qaranka sheegay in lagu qabtay tan iyo markii doorashada dalka ay billaabatay, 29% Mudanayaasha dhiman ayuu soo jeediyay in la dadejiyo si loosoo gabagabeeyo geedi socodka Doorashada.

Dood ayaa ka taagan Doorashada 16ka kursi ee Gobolka Gedo lagu dooranayo kaddib markii DG Jubbaland ay sheegtay in aan Doorasho ka dhici Karin Magaalada Garbahaarey oo gacantooda ka maqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here