๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐ข๐ฌ๐๐ข๐ ๐ ๐ฆ๐ฎ๐ฑ๐๐๐๐ข๐๐ค๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ฑ ๐ฌ๐๐ซ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐๐๐๐ฒ ๐๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐.
Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali X. Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaanka sare ee xidhiidhka guud ee ururrada Shaqaalaha Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga ayaa soo dhaweeyey xubnaha ururka shaqaalaha, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay isku-xidhka ururada bulshada rayidka ah iyo xisbiyada siyaasada, taas oo wax weyn ka tari doonta la dagaallanka qabyaaladda.






















